Gudaha
Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha shacabka ka hor-akhrisay sharciyo muhiim ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka hor akhriday laba Hindise Sharciyeed oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ah Hindise Sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, si Golaha Shacabku uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan ka doodista iyo ansixinta sharciyada.
Wasiiradda ayaa tilmaantay in labada Hindise Sharciyeed ay ka jawaabayaan baahiyo muhiim ah oo maanta ka jira bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta qoyska, daryeelka carruurta iyo dhowrista xuquuqdooda. Waxay xustay in Sharciga Arrimaha Qoyska uu door weyn ka qaadan karo xal u helidda caqabado iyo khilaafaadyo badan oo saameeya qoysaska Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo carruurta nugul ee ku dayacma ama dhibaatooyin kala duwan kala kulma gudaha qoysaskooda.
Sidoo kale, Wasiiradda ayaa adkaysay muhiimadda Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, kaas oo saldhig u noqonaya xoojinta ilaalinta, daryeelka iyo dhowrista xuquuqda carruurta Soomaaliyeed. Waxay sheegtay in ansixinta labada sharci ay muhiim u tahay dhismaha qoys Soomaaliyeed oo sal adag leh, carruurtuna ay ku helaan nolol ammaan ah, daryeel iyo fursado ay si wanaagsan ugu koraan.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ugu baaqday inay ka gutaan waajibaadkooda qaran, isla markaana ay si mudnaan leh uga shaqeeyaan ansixinta Hindise Sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, kuwaas oo muhiim u ah xoojinta qoyska Soomaaliyeed, ilaalinta carruurta iyo horumarinta xuquuqul insaanka dalka.








