Wararka
Wasiirka Maaliyadda XFS oo Thailand kula kulmay madax ka tirsan Bangiga Addunka iyo IMF

Bangkok-(SONNA)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Bangkok ka wada kulamo miro-dhal ah oo ay la yeelanayaan madax sare oo ka tirsan hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, iyadoo uu soconayo Shirka xilliga sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF oo sanadani lagu qabanayo dalka Thailand.
Wasiirka ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku Xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Bariga iyo Koofurta Qaaradda Afrika, Dr. Ndiame Diop iyo Dr. Zarau Kibwe oo isna ah Agaasimaha fulnta Bangiga u matala dalal Soomaaliya ay ka mid tahay.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, iyadoo si gaar ah loo bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee Bangiga Adduunka ku leeyahay taageerada horumarinta Soomaaliya xilli ay jiraan isbeddello iyo fursado cusub oo caalami ah.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale la kulmay Agaasimaha qeybta Bariga Dhexe iyo Bartamaha Qaaradda Aasiya ee IMF, Mudane Jihad Azour, iyagoo diiradda saaray hirgelinta barnaamijka dib-u-habaynta Dhaqaalaha, la qabsiga saameynta isbeddellada caalamiga ah iyo xoojinta fursadaha maalgelinta horumarineed ee waarta.
Wasiir ka Maaliyadda XFS ayaa lagu wadaa inta uu socdo shirka Sanadlaha ah ee IMF/Bangiga Adduunka inuu kulamada loo dhan yahay ka jeediyo khudbado ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo tan Gobolka.



