Wararka
Wasiirka Maaliyadda XFS oo Bangkok kaga qeyb galay shir ay soo qabanqaabiyeen madaxda IMF

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa magaalada Bangkok ee dalka Thailand kaga qeyb galay madal heer sare ah oo ay soo qabanqaabiyeen madaxda Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).
Madasha ayaa diiradda lagu saaray arrimaha cuntada iyo caqabadaha gaarka ah ee ka jira xilliyada ay bulshadu wajahdo dhibaatooyin la xiriira helitaanka cuntada. Waxaa sidoo kale ka qeyb galay qaar ka mid ah wasiirrada maaliyadda dalalka Jabuuti iyo Burkina Faso, iyo khubaro dhanka maaliyadda ah.
Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sheegay in xoojinta nidaamyada cuntadu ay door muhiim ah ka qaadato kordhinta wax-soo-saarka gudaha, ilaalinta ilaha nololeed ee bulshada iyo yareynta ku tiirsanaanta cuntada dibadda laga keeno.
Sidoo kale, wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay maalgelin wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo beeraha, wax-soo-saarka cuntada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee taageera silsiladda sahayda cuntada.



