calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirkii 32-aad ee Africa Group 1

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirkii 32-aad ee Africa Group 1
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirkii 32-aad ee Africa Group 1 — SONNA

Bangkok(SONNA):- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa ka qaybgalay shirkii 32-aad ee Africa Group 1 ee Bangiga Adduunka, kaas oo uu kaga hadlay gabagabada muddadii labada sano ahayd ee uu wakiilka uga ahaa 22-ka dal ee xubnaha ka ah Guddiga Horumarinta ee Bangiga Adduunka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey guddoomiyeyaasha iyo wakiillada dalalka xubnaha ka ah kalsoonida, wada-shaqaynta iyo taageerada ay muujiyeen muddadii uu xilka hayey, isaga oo door muhiim ah ka qaatay doodaha la xiriira horumarinta caalamka iyo mudnaanta dalalka xubnaha ka ah.

Intii uu socday shirka, Wasiirka ayaa xilka ku wareejiyey guddoomiyaha cusub ee matalaya Jamhuuriyadda Sierra Leone, isaga oo u hambalyeeyey, una rajeeyey guul iyo inuu si wanaagsan u guto waajibaadka loo igmaday

FB_IMG_1792220073552.jpgFB_IMG_1792220069252.jpgFB_IMG_1792220071240.jpg

.

FB_IMG_1792220067171.jpg

La wadaag