calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Xoghahaya Guud ee Aagga Ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Xoghahaya Guud ee Aagga Ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika
Wasiirka Ganacsiga XFS oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Xoghahaya Guud ee Aagga Ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Amb. Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), Mudane Wamkele Mene, oo dalka ku yimid booqasho rasmi ah.

Booqashadan oo socon doonta 16–18 Agoosto 2026 ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo ku aaddan ka mid noqoshada iyo ka faa’iidaysiga suuqa ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika.

Inta uu dalka joogo, Xoghayaha Guud wuxuu kulamo la yeelan doonaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo wada-hadalladu diiradda saari doonaan hirgelinta AfCFTA, fursadaha uu heshiisku u furayo ganacsiyada Soomaaliyeed, iyo sidii Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysan lahayd suuqa qaaradda Afrika.

Booqashadu waxay sidoo kale fursad u tahay Soomaaliya inay sii xoojiso kaalinteeda isdhexgalka dhaqaale ee Afrika, kor u qaaddo ganacsiga iyo maalgashiga, isla markaana u diyaariso ganacsatada Soomaaliyeed fursadaha ka jira suuq ay ku nool yihiin in ka badan 1.4 bilyan oo qof.

La wadaag