Gudaha
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray siyaasadda qaran ee ilaalinta bed-qabka rayidka

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan.
Munaasabadda daahfurka waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, diblomaasiyiin iyo marti-sharaf kale oo ka kala socday hay’adaha iyo dhinacyada ay khuseyso siyaasaddani.
Wasiirka oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar kale xaqiijinayso in ilaalinta bedqabka rayidku ay tahay waajib qaran iyo mid dastuuri ah. Waxa uu sidoo kale tilmaamay inay lama huraan u tahay dhismaha ciidan qaran oo leh anshax, xirfad iyo mas’uuliyad, kuna dhisan dhowrista nolosha, karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in daahfurka siyaasaddan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dowladnimada iyo ku-dhaqanka sharciga, laguna xaqiijinayo amni waara oo ay shacabka Soomaaliyeed ku naaloodaan.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn adkeeyey sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta dadka rayidka ah iyo dhowrista xuquuqdooda inta ay socdaan hawlgallada ciidan iyo colaadaha hubaysan.






















