Wararka
Wasiirka Caafimaadka XFS oo Amar Dul Dhigay Hay’adaha Ka Shaqeeya Arrimaha Caafimaadka Dalka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar, oo tixraacaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan dib-u-habaynta maamulka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda iyo hirgelinta hannaanka tartanka furan ee ku salaysan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqsiga, ayaa faray hay’adaha hoos yimaada Wasaaradda in aan la qaadin wax tallaabo maamul, xil-ka-qaadis, beddelid, wareejin ama magacaabis cusub oo carqaladayn karta hannaanka dib-u-habaynta shaqaalaha Dowladda.
Wasiirku wuxuu sidoo kale faray hay’adaha inay ilaaliyaan xaaladda maamul ee hadda jirta, isla markaana si buuxda u dhaqan-geliyaan amarka inta laga soo saarayo habraacyada iyo jiheynta rasmiga ah ee arrintan khuseeya.




