calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dalka Aljeeriya
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dalka Aljeeriya — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee dalka Aljeeriya u qaabilsan Soomaaliya mudane Maxamed Caalim.

Kulanka oo ay Wasiirku ku wehliyeen Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta mudane Cabdulxakiim Xasan Ashkir iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac, adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya iyo dabagalka dhinacyada iskaashiga ee lagu heshiiyey bishii May ee sanadkan intii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Xoosh booqashada ku joogay Aljeeriya sida howlaha; dib-u-heshiisiinta, xasilinta, amniga, dowladaha hoose, dhismaha iyo tayeynta hay’adaha, adkeysiga, diiwaangelinta madaniga ah iyo aqoonsiga qaranka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashi hay’adeed ee wax-ku-ool ah iyo is-weydaarsiga farsamo ee u dhexeeya hay’adaha ay khusayso ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

La wadaag