Wararka
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo guddoomiyay kulan looga hadlay diyaar-garowga dowladda ee Super El Niño.

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Maamulka Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha Musiibooyinka, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa guddoomiyay kulan ay yeesheen Guddiga Sare, kaas oo ka dhacay xarunta Hay’adda SoDMA.
Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha Guddiga ayaa looga hadlay maareynta khataraha ka dhalan kara Super El Niño iyo sidii si wadajir ah loogu wajihi lahaa musiibadan.
Intii uu socday kulanka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay soo jeedinno la xiriira qorshaha diyaar-garowga iyo sidii dhinacyadu isaga kaashan lahaayeen.
Sidoo kale, hoggaanka ururrada bulshada rayidka ah ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo ka hortagga iyo maareynta khataraha Super El Niño.






