Wararka
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq

Baghdad(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Ciraaq, Mudane Fu’aad Xuseen, intii lagu guda jiray kulanka 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay dardargelinta hawlaha Guddiga Wadajirka ah ee labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo beeraha.
Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay rabitaankeeda ah inay bilowdo dhoofinta xoolaha nool ee loo iibgeeyo dalka Ciraaq.
Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda Ciraaq soo dhoweynta diirran iyo martigelinta guuleysatay ee kulanka Golaha, iyadoo mar kale carrabka ku adkeeysay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal





