Gudaha
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Itoobiya

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee Soomaaliya, Mudane Danjire Suleymaan Dedefo Woshe, oo booqasho sagootin ah ku yimid Muqdisho, taas oo ku aaddanayd soo gabagabeynta muddadii uu xilka Safiirnimo ka hayay Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu ku ammaanay Danjire Suleymaan dadaalkii iyo kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya, Labada dhinac ayaa ayaa carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka deris wanaagga, nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyo sii wadidda iskaashiga labada dal ee Geeska Afrika.
Wasiir Cabdisalaan wuxuu sidoo kale Danjiraha u rajeeyay guul iyo horumar uu ka gaaro waajibaadkiisa iyo dadaalladiisa mustaqbalka.






