calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wasiirka Amniga oo tababar u soo xiray ciidan ka tirsan Daraawiishta

Ciidanka ayaa loo tababaray fulinta howlgalada khatarta badan

Wasiirka Amniga oo tababar u soo xiray ciidan ka tirsan Daraawiishta
Wasiirka Amniga oo tababar u soo xiray ciidan ka tirsan Daraawiishta — SONNA

Muqdisho: Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta Soomaaliyeed.

Tababarka ayaa ciidamada lagu baray anshaxa iyo hab-dhaqanka ciidanimo, fulinta howlgalada khatarta badan, maaraynta hubka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, ciidamada ayaa la baray hababka gargaarka loogu fidiyo ciidanka iyo shacabka waxyeelladu kasoo gaarto goobaha dagaalka, iyo sidii ay si hufan uga howlgeli lahaayeen xaaladaha kala duwan.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada iyo awoodda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay u noqdaan ciidan isku duuban oo si wanaagsan u ilaaliya amniga, nidaamka iyo kala dambeynta.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan sharafta iyo anshaxa ciidanka, dhowraan sharciga, isla markaana waajibaadkooda qaran u gutaan si daacadnimo iyo masuuliyad leh.

La wadaag