calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqasho ku tegay safaaradda JFS ee magaalada Beejiin

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqasho ku tegay safaaradda JFS ee magaalada Beejiin
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqasho ku tegay safaaradda JFS ee magaalada Beejiin — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Beejiin ee dalka Shiinaha.

Wafdiga Wasiirka waxaa Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiir Ku-xigeenka Safaaradda, Mudane Cabdisalaam Suleymaan, kaas oo wafdiga warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Safaaradda, howlaha ay qabato iyo dadaallada ay diblomaasiyiintu ugu adeegayaan danaha qaranka Soomaaliya ee dalka Shiinaha.

Booqashadan ayaa qeyb ka ahayd kulammo iyo hawlo uu Wasiirku ku leeyahay magaalada Beijing, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo iskaashiga labada dal.

La wadaag