Wararka
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay'adda WHO ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Dr. Humphrey Karamagi, Wakiilka cusub ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) u qaabilsan Soomaaliya.</p>
Wasiir Ku-xigeenka ayaa soo dhaweeyay Dr. Karamagi, isaga oo u rajeeyay guul intii uu ku guda jiro mudo xileedkiisa.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay taageerada joogtada ah ee Hay'adda WHO siiso Soomaaliya waliba dhinaca caafimaadka, gaar ahaan xoojinta nidaamka caafimaadka qaranka iyo ballaarinta helitaanka adeegyada caafimaad ee muhiimka ah.
Waxa ay sidoo kale carabka ku adkeeyeen sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga dhow ee u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Hay'adda WHO, si loo horumariyo loona hirgeliyo mudnaanta qaranka ee dhinaca caafimaadka.






