Wararka
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan Sagootin ah la Qaatay Agaasimaha Guud ee OIC ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Danjire isla markaana ku sagootiyay Maxamed Bamba M. Boba, Agaasimaha Guud ee Hawlgalka Gobolka ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya.
Labada Masuul ayaa ka wada hadlay iskaashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, iyagoo sidoo kale carabka ku adkeeyay xiriirka iyo walaaltinimada Islaamiga ah ee mideeya dalalka xubnaha ka ah Ururka.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay Danjire Bamba adeeggiisii iyo dadaalladii uu ka geystay Dalka Soomaaliya intii uu Muqdisho joogay, isagoo sidoo kale soo dhaweeyay kaalinta Hawlgalka Gobolka OIC uu ka qaato taageerada horumarinta Soomaaliya iyo wax ka qabashada mudnaanta howlaha bani’aadannimo.
Wasiir Ku-xigeenku wuxuu Danjire Bamba u rajeeyay in uu guul ka gaaro doono mas’uuliyadaha uu mustaqbalka qaban doono.






