Gudaha
Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay'adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

Muqdisho,(SONNA):- Dhaqan-gelinta Xeer Wasiir Lr. 0001/26 iyo Habraaca Kumeelgaarka ah ee Maamulka iyo Diiwaangelinta Hay’adaha Dhaqanka iyo Farshaxanka Dalka.
Ku: Dhammaan Hay’adaha, Machadyada, Ururrada, Golayaasha iyo Shakhsiyaadka ka shaqeeya Dhaqankaiyo Farshaxanka Dalka.
Og: Wasaaradaha Dhaqanka ee Dowlad-goboleedyadaXubnaha ka ah Federaalka iyo Gobolka Banaadir.
Og: Hay’adaha iyo daneeyayaasha kale ee ay khusayso.
Ujeeddo: Dhaqan-gelinta Xeer Wasiir Lr. 0001/26 iyo Habraaca Kumeelgaarka ah ee Maamulka iyo Diiwaangelinta Hay’adaha Dhaqanka iyo Farshaxanka Dalka.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa dhammaan Hay’adaha, Machadyada, Ururrada, Golayaasha iyo Shakhsiyaadka ka shaqeeya Dhaqanka iyo Farshaxanka Dalka in Wasiirka Wasaaradda uu soo saaray Xeer Wasiir Lr. 0001/26, kuna taariikhaysan 27 Luulyo 2026, kaas oo lagu ansixiyeyHabraaca Kumeelgaarka ah ee Maamulka iyo Diiwaangelinta Hay’adaha Dhaqanka iyo Farshaxanka Dalka.
Xeerkan waxaa loo soo saaray iyadoo la tixraacayoDastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka122 farqada (1), Xeer Ra’iisul Wasaare Lr. 174 ee 15 Febraayo 2025, iyo Xeer Ra’iisul Wasaare Lr. 140 ee 12 Oktoobar 2023 ee ku saabsan meelmarinta Siyaasadda Dhaqanka iyo Farshaxanka Soomaaliyeed.
UJEEDDADA WARGELINTA:
Habraaca Kumeelgaarka ah wuxuu ujeedkiisu yahay:
1. In la hirgeliyo Siyaasadda Qaranka ee Dhaqanka iyoFarshaxanka;
2. In la sameeyo halbeegyo kumeelgaar ah oo lagukorjoogteeyo laguna diiwaangeliyo Hay’adahaDhaqanka iyo Farshaxanka ee dalka ka shaqeeya ooiskugu jira wadani iyo ajaanib;
3. In la dejiyo nidaam mideysan oo lagu diiwaangelinayohay’adaha ka shaqeeya Dhaqanka iyo Farshaxanka;
4. In la ilaaliyo lana horumariyo Dhaqanka iyoFarshaxanka Soomaaliyeed;
5. In la xoojiyo wada-shaqeynta Wasaaradda iyoHay’adaha Dhaqanka iyo Farshaxanka dalka;
6. In la hubiyo tayada iyo sharciyeynta shaqada Hay’adahaDhaqanka iyo Farshaxanka dalka.
DIIWAANGELINTA IYO MASUULIYADDA WASAARADDA
Sida ku cad Qodobka 2aad ee Xeer Wasiir Lr. 0001/26, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxaymas’uul ka tahay:
1. Diiwaangelinta dhammaan rukhsadaha iyo heshiisyada;
2. Ilaalinta xogta iyo kaydinta dukumentiyada;
3. Dabagalka iyo hubinta fulinta xeerkan.
Sidaas darteed, dhammaan hay’adaha iyo dhinacyada uu xeerku khuseeyo waxaa lagu wagelinayaa inay si degdeg ah ula jaanqaadaan habraaca kumeelgaarka ah, isla markaanaay Wasaaradda kala soo xiriiraan arrimaha la xiriira diiwaangelinta, rukhsadaha, heshiisyada iyo dukumentiyada khuseeya hawlahooda Dhaqanka iyo Farshaxanka.
DHAQAN-GELINTA XEERKA: Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan cidda ay khusayso in Xeer Wasiir Lr. 0001/26 uu dhaqan galay markii uusaxiixay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad Qodobka 3aad ee xeerka.
Sidaa darteed, Wasaaraddu waxay dhammaan hay’adaha, ururrada, golayaasha, machadyada iyo shakhsiyaadka ka shaqeeya dhaqanka iyo farshaxanka dalka ugu baaqaysaa iskaashi buuxa, u hoggaansamid xeerka iyo habraaca si loo helo nidaam mideysan, sharciyeysan oo lagu maamulo laguna horumariyo howlaha dhaqanka iyo farshaxankadalka.
Wargelintan waxay si rasmi ah u dhaqan-gelinaysaaogeysiinta dhammaan dhinacyada uu khuseeyo XeerWasiir Lr. 0001/26.





