Wararka
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Daahfurtay Siyaasadda Qaran ee Caafimaadka Dhimirka 2026–2030

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirka, oo sannad kasta la xuso 10-ka Oktoobar.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qaybgalay Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Fartuun Shariif Maxamed; Maareeyaha Hay’adda Qaran ee Caymiska Caafimaadka Bulshada, Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin; Madaxa Caafimaadka Dhimirka ee Wasaaradda, Dr. Seynab Axmed Nuur; iyo wakiillo ka socday isbitaallada, jaamacadaha iyo hay’adaha caalamiga ah.
Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda caafimaadka dhimirka, kor u qaadista wacyigelinta bulshada iyo baahida loo qabo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh. Dr. Seynab Axmed Nuur iyo mas’uuliyiintii kale ee madasha ka hadlay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay la dagaallanka ceebeynta iyo takoorka, iyagoo ku baaqay in dadka la nool dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka la siiyo daryeel, naxariis iyo taageero ku habboon.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa munaasabadda ka daahfuray Siyaasadda Qaran ee Caafimaadka Dhimirka ee Soomaaliya 2026–2030, taas oo ah siyaasaddii ugu horreysay ee heer qaran ah ee Soomaaliya yeelato. Siyaasaddan ayaa hagitaan u noqon doonta qorsheynta, isku-duwidda iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dhimirka muddada shanta sano ee soo socota, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka daryeelka caafimaadka dhimirka ee dalka.
Daahfurka siyaasaddan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xaqiijinta helitaanka adeegyo caafimaadka dhimirka oo tayo leh, loo dhan yahay, isla markaana daboolaya baahiyaha bulshada. Mas’uuliyiintii ka qaybgalay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga dowladda, xarumaha caafimaadka, jaamacadaha, hay’adaha bahwadaagta ah iyo bulshada, si loo ilaaliyo xuquuqda iyo karaamada dadka la nool dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka, loogana hortago takoorka iyo faquuqa.






