Wararka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo ka tacsiyeysay geerida Danjire Cali Cabdi Gurxan
Muqdisho.SONNA…Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Danjire Cali Cabdi Gurxan oo ka mid ahaa diblomaasiyiintii sumcadda ku lahaa adeegga diblomaasiyadda ee Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku,iyagoo Alle uga baryay inuu marxuumka u naxariisto, dembigiisa dhaafo, hoygiisana ka yellow Janatul Firdowso.
Danjire Gurxan wuxuu dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo iyo waddaniyad, isaga oo Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga Soomaaliya ku matalay dalalka Senegal iyo Faransiiska.
Wuxuu danjiraha ka tirsanaa jiilkii diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee codka iyo danaha qarankooda ku meteli jiray fagaarayaasha caalamiga ah si masuuliyad leh.

