calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qeybgalaya Kulan la xiriira maareynta deymaha ee dalalka Afrika

Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qeybgalaya Kulan la xiriira maareynta deymaha ee dalalka Afrika
Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qeybgalaya Kulan la xiriira maareynta deymaha ee dalalka Afrika — SONNA

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale iyo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa Magaalada Kigali ee dalka Rwanda uga qaybgalay kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan adkeynta iyo horumarinta kartida maareynta deymaha dalalka nugul ee Afrika.

Kulankaan oo ay soo soo qabanqaabiyeen Mac-hadka Horumarinta Afrika ee Bangiga Horumarinta Afrika waxaa kaoo ka qaybgalaya kulanka waxaa sidoo ka mid ah Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi.

Kulanka oo soo bil owday 28ka September waxaa lagu wadaa in maanta oo ay bishu tahay 2da October la soo gabagabeeyo,iyadoo mudadii uu socday diiradda lagu saarayaa xoojinta awoodda hay’adaha dowladda ee dhinacyada daahfurnaanta deymaha, isla-xisaabtanka iyo habsami-u-maareynta maaliyadda guud.

Kulanka waxaa ka qaybgalay in ka badan 20 waddan oo Afrikaan ah iyo ururro caalami ah, kuwaas oo wadaagay aqoonta, waayo-aragnimada iyo hababka lagu xoojin karo maareynta deymaha dowladaha.

La wadaag