Wararka
Wafdiga Ra'iisal wasaare Xamse oo la kulmay madaxda Hay'adaha dowladeed ee Qatar
Ra'iisal wasaare Xamse iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa socdaal shaqo ku jooga Qatar

Dooxa (SONNA): Intii uu ku guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Qatar, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka sokoow kullaamadii uu la yeeshay madaxda ugu sareysa dalka Qatar, waxa uu kulamo kale oo muhiim ah la qaatay hay’ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay. Kulamada ayaa xoogga lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, dhiirrigelinta maalgashiga iyo is-weydaarsiga khibradaha.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulamo la yeeshay shirkadda Dhismaha Qatar (Qatar Diar) Sanduuqa Maalgashiga Qatar, Hay’adda Maalgashiga Qatar (QIA), Qatar Airways iyo Mac-hadka Hoggaaminta Qatar.
Intii ay socdeen kulamada, wafdiga Ra’iisul Wasaaraha iyo weftigiisa ayaa hay’adahan usoo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada kalluumaysiga, tamarta, dalxiiska iyo gaadiidka, gaar ahaan kobaca joogtada ah ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo fursadaha ka dhashay horumarka dalka ka hana-qaaday.
Hay’adaha iyo shirkadaha Qatar ayaa muujiyay danayn ay u qabaan suuqyada Soomaaliya iyo ka qaybqaadashada maalgashi wax-ku-ool ah oo labada dal dan u ah. Sidoo kale, waxaa la isla eegay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada ganacsiga, gaadiidka, horumarinta hay’adaha iyo kobcinta awoodda hoggaamineed.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Qatar waxay qayb ka tahay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka istiraatiijiga ah, iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga shisheeye. Kulamadan ayaa la filayaa inay horseedaan fursado cusub oo wax-ku-ool ah, isla markaana sii adkeeyaan xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Qatar.























