Wararka
Wafdi ka Socda Xarunta Boqor Salmaan oo Kormeeray Mashruuca Dhismaha Guryaha ee Luglow

Muqdisho-SONNA-Waxaa magaalada Kismaayo gaaray wafdi ka socday Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadannimada iyo Hay’adda Tadamun, kuwaas oo booqasho iyo kormeer ku tagay deegaanka Luglow, halkaas oo uu ka socdo mashruuc lagu dhisayo 200 oo guri iyo xarumo adeegyo bulsho.
Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa Yazeed bin Abdullah, Madaxa Xarunta Boqor Salmaan ee Faraca Afrika, Cabdiraxmaan Cabdirisaaq, Guddoomiyaha Hay’adda Tadamun, Maxamed Amiin, Madaxa Mashruuca ka socda deegaanka Luglow, iyo injineerro.
Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Jubbaland, Cabdiwahaab Axmed Cusmaan. Waxaa sidoo kale soo dhaweynta qayb ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Maxamed Cismaan Jeemis, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxootiga Jubbaland, Cali Aadan Cali.
Intii uu wafdigu ku sugnaa Kismaayo, waxay kormeer ku tageen deegaanka Luglow, halkaas oo laga wado dhismaha 200 oo guri iyo xarumo adeegyo bulsho oo ay ka mid yihiin xarumo caafimaad, waxbarasho iyo biyo-gelin.
Mashruucan ayaa loogu talagalay dib-u-dejinta dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhasha Webiga Jubba, iyadoo guryaha iyo adeegyada bulshada ee la dhisayo ay qayb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo xaaladda nololeed ee dadka deegaanka.
Intii uu socday kormeerku, wafdiga iyo mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa qiimeeyay heerka uu marayo dhismaha guryaha iyo xarumaha adeegga bulshada, iyagoo sidoo kale eegay hawlaha harsan ee mashruuca.
Booqashada wafdigan ayaa ku soo aadaysa xilli uu mashruucu galay wejigiisa ugu dambeeya. Dhagax-dhigga mashruuca ayaa la sameeyay 24-kii Nofeembar 2025, waxaana la filayaa in la soo gabagabeeyo horraanta sannadka 2027.
Mashruuca ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu taageerayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha Webiga Jubba, iyadoo la siinayo guryo iyo adeegyo aasaasi ah oo gacan ka geysanaya dib-u-dejintooda iyo horumarinta xaaladdooda nololeed.


