Wararka
Waa kuma Xasan Calasow?
Laba dhallinyarada ah ayaa horjoogaha dilay, kadibna ka furtay qori AK-47 ah iyo Rasaastii uu watay.

Shalay ilaa maanta ayaa waxaa Baraha Bulshada qabsaday Laba Wiil oo dhallinyaro ah oo 17-kii Agoosto 2026-ka degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay mid ka mid ah horjoogayaasha ugu halista badnaa maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee ka howlgala gobolka.
Labo dhallinyaro ah ayaa horjoogaha dilay, kadibna ka furtay qori AK-47 ah iyo Rasaastii uu watay. Ninkaasi ayaa waxaa lagu magacaabaa Xasan Calasow Raage, ayaana ka tirsanaa horjoogayaasha ka howlgala gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana uu ahaa horjoogaha Gaadiidka gobolka. Waxa uu sidoo kale horey u soo noqday waxa ay ugu yeeraan madaxa Sakawaadka degmada Ruunirgood, isagoo ahaa horjooge si weyn looga yaqaanay degmada iyo deegaannada ku hareeraysan.
Horjoogahan ayaa dadka ku nool degmada iyo deegaannada ku hareeraysan u geystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhaca hantida iyo xoolaha, cunaqabateyn iyo carqaladeynta isu-socodka degmada iyo deegaannada ku hareeraysan, isaga oo sidoo kale ku qasbay dad badan inay ka barakacaan degmada.
Haddaba waa kuma Xasan Calasow?
Horjoogaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaannay Xasan Xusuleey, kaas oo Da’diisa lagu sheegay 50 jir, kuna dhashay degmada Ruunirgood.
Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaanay Xasan Xusuleey, ayaa 17-kii Agoosto 2026-ka lagu dilay degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe’ wuxuu ahaa sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo mas’uul ka ahaa hawlaha Gaadiidka kooxda ee gobolka, horena u soo noqday Madaxa ururka u qaabilsan ururinta waxa ay ugu yeeraan ‘Sakawaad’ ee Ruun-Nirgood’
Dilka Xasan Xusuleey wuxuu leeyahay muhiimad amni oo ka weyn khasaaraha hal sarkaal. Marka laga eego dhinaca amniga, dhacdadani waxay muujin kartaa daldaloolo ka jira ilaalinta iyo sirdoonka gudaha Al-Shabaab, gaar ahaan marka sarkaal masuuliyad sare haya uu ku dhinto deegaan uu kooxdu muddo ka hawlgashay, waxaa halkaasi ka muuqanaya in Kooxdu xataa Sirdoonkeedda inuu liito.



