Gudaha
WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Beledweyne(SONNA);-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu weheliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabeelle, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay u tageen dardargelinta howlaha gurmadka iyo diyaar-garowga khataraha fatahaadaha.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdigiisa waxaa magaalada ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Goboleedka Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha ka dhalan kara fatahaadaha iyo saameynta laga filayo El Niño.
Inta uu ku sugan yahay Beledweyne, Guddoomiyuhu wuxuu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo degmada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kale, wuxuu booqan doonaa deegaannada ku dhow biyo-mareennada, si loo qiimeeyo xaaladda loona xoojiyo wacyigelinta bulshada.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa bulshada ugu baaqay in la furo lana nadiifiyo biyo-mareennada, si loo fududeeyo qulqulka biyaha loogana hortago fatahaadaha iyo khasaaraha ka dhalan kara.
Sidoo kale, wuxuu bulshada ku boorriyay inay ka fogaadaan goobaha ay fatahaaduhu saameyn karaan, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin hore oo lagu yareynayo khatarta.





