Gudaha
WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA PAKISTAN OO SOO GAARAY MUQDISHO

Muqdisho,(SONNA): Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Booqashadan ayaa daba socota booqashadii Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, uu 4-tii Agoosto 2026 ku tagay dalka Pakistan, taas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.
Inta ay dalka ku sugan yihiin, wafdiga ayaa kulamo la yeelan doona Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, kuwaas oo looga wada hadli doono sii xoojinta iskaashiga labada ciidan iyo horumarinta wada-shaqeynta dhinaca difaaca cirka.
Booqashadu waxay qeyb ka tahay dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga ee lagu xoojinayo iskaashiga difaaca ee dalalka saaxiibka ah, si loo taageero dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Soo dhaweynta wafdiga waxaa ka qeybgalay saraakiil iyo xubno ka tirsan jiilka cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.







