calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Ururka Bulshada Bariga Afrika oo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ganacsi ee gobolka

Ururka Bulshada Bariga Afrika oo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ganacsi ee gobolka
Ururka Bulshada Bariga Afrika oo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ganacsi ee gobolka — SONNA

Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Isaaq Ibraahim Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey ganacsatada Soomaaliyeed inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursadaha ganacsi ee gobolka, isla markaana ka qaybqaataan bandhigga ganacsi ee Som Souk Expo 2026.

Agaasimuhu wuxuu xusay in xubinnimada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) ay dalka u furayso fursado lagu gaari karo suuq ballaaran oo heer gobol ah.

Wuxuuna sidoo kale tilmaamay Agaasimuhu in Som Souk Expo 2026 uu gacan ka geysan doono kobcinta ganacsiga gudaha, isku xirka ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashadayaasha, iyo diyaarinta ganacsiyada gudaha si ay ugu tartamaan, isla markaana ugu kobcaan suuqyada Bariga Afrika.

La wadaag