Wararka
Tirinta codadka doorashada oo si habsami leh uga socda Galmudug iyo Hirshabeelle
Maamulka Gudigga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa bilaabay tirinta codadka doorashooyinka labada Maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug,kadib markii maqribnimadii xalay la soo xiray goobaha codbixinta.
Doorashooyinkaan oo ahaa kuwo isku sidkan waxaa lagu doortay golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada ee labada Dowlad Goboleed.
Doorashooyinkii ka dhacay Galmudug waxaa lagu qabtay 178-goobood oo ka tirsan 11-degmo,iyadoo ay ka codeeyeen 267, 420 qof oo u codeeyay 12 urur siyaasadeed.
Dhinaca Hirshabeele, 103-goobood oo ka tirsan 10-degmo ayeey ka dhaceen doorashooyinka,waxaana ka codeeyay 152,763-oo codkooda siiyay 14-urur siyaasadeed.
Maamulka Gudigga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in dhowaan lagu dhawaaqi doono natiijada doorashooyinka ee isku sidkan.



