Wararka
Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray Dhuusamareeb
Taliyaha ayaa halkaasi u tagay dardargalinta hawlaha ciidanka ka hawlgala Galmudug

Dhuusamareeb (SONNA): Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.
Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21-aad, G/Sare Maxamed Cabdi Daahir “Dhagawayne”. Intaa kaddib, Taliyaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Soo dhaweynta kaddib, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb.





