Wararka
Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah
Taliyaha ayaa ka qaybgalay shirweynaha 15-aad ee Awoodda Ciidamada Badda ee dalalka caalamka

Venice (SONNA): Taliyaha Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa magaalada Venice ee dalka Talyaaniga kaga qayb-galay shirweynaha 15-aad ee Awoodda Ciidamada Badda ee dalalka caalamka, kaas oo uu soo qaban-qaabiyey Taliska Ciidanka Badda Dawladda Talyaaniga, wuxuuna ka qabsoomay xarunta Arsenal ee Ciidamada Badda Talyaaniga ee ku taalla magaaladaas.
Shirweynahan oo ay kasoo qayb-galeen inta badan Taliyayaasha Ciidamadda Badaha Dawladaha Caalamka oo ay ku jirto Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista Ammaanka Badaha Caalamka, Sahminta fiilooyinka mara badaha Caalamka, Horumarinta Qalabka casriga ah ee Ciidamada badaha, Iskaashiga dhammaan dalalka leh dhul-badeedyada kala duwan, Is-weydaarsiga Macluumaadka Maraakiibta iyo Dhaqdhaqaaqa gaadiidka badda iyo sidoo kale ka qayb-galka Tartanada istiraatiijiyadeed ee Caalamiga ah.
Taliyaha Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya General Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar oo khudbad ka jeediyey shirka, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku taalla goob istaraatiiji ah iyo marin badeed muhiim u ah isku xirka ganacsiga iyo bulshooyinka caalamka ay kor u qaadayso xiriirka ay la leedahay dalalka caalamka ee leh marin badeedyada kala duwan, isagoo hoosta ka xariiqay in Dawladda Soomaaliya ay dedaal badan ku bixiso xakamaynta ammaanka dhulbadeedkeeda.
Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa dalka Talyaaniga si rasmi ah ugu saxiixay laba heshiis oo muhiim u ah Dawladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku midoobeen Dawladaha leh marin-badeedyada kala duwan ee caalamka loona yaqaano Isbahaysiga Xarunta Maamulka Gaadiidka Badda ee Gobolka (V-RMTC — Virtual Regional Maritime Traffic Centre iyo sidoo kale Shabakadda Isku-xirka Badda ee Caalamka T-RMN — Trans-Regional Maritime Network, taaso kadhigan in Dawladda Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqotay labadan isbahaysi ee caalamiga ah.
Taliyaha ayaa sidoo kale intii uu shirku socday waxa uu kulamo doceedyo kala duwan la yeeshay Taliyaha Ciidamada Badda ee dalka Qatar Maj. Gen. Abdullah Hassan Al-Sulaiti iyo sidoo kale Taliyaha ciidamada badda Turkiga Admiral Ercüment Tatlıoğlu, waxayna ka wada hadleen xoojinta Iskaashiga saddex geesoodka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya, Qatar iyo Turkiga.







