calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Taliyaha NISA oo Cabudwaaq ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay leedahay Hay’adda

Taliyaha NISA oo Cabudwaaq ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay leedahay Hay’adda
Taliyaha NISA oo Cabudwaaq ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay leedahay Hay’adda — SONNA

Muqdisho(SONNA);-Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa magaalada Cabudwaaq ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay leedahay Hay’adda NISA.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa qayb ka ahaa munaasabadda dhagax-dhigga xerada Ciidanka NISA ee Caabudwaaq.

Taliye Mahad Salaad oo safar shaqo ku jooga magaalada Caabudwaaq ayaa kulamo wadatashi ah oo lagu xoojinayo amniga iyo nabadda deegaannada waqooyiga Galgaduud la qaatay masuuliyiinta dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

FB_IMG_1782642654991.jpgFB_IMG_1782642663397.jpg

La wadaag