Wararka
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiil iyo askar ka tirsan Guutada 17-aad

Baydhabo-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, ayaa kormeeray fadhiyada ciidamada ee magaalada Baydhabo, isagoo ka qeyb galay munaasabad abaalmarin ah oo loo qabtay Guutada 17-aad, Ururka 1-aad.
Taliyaha ayaa Ciidanka uga mahadceliyay howsha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixinayaan sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan.
Munaasabadda ayaa lagu guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo abaalmarinno kale saraakiil iyo askar ka tirsan Guutada 17-aad, kuwaas oo lagu dhiirigeliyay dadaalkooda iyo howl-karnimadooda.
La wadaag



