Gudaha
Taliyaha Boliiska oo Tababar u Soo Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Haramcad

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan, ayaa Akadeemiyadda TURKSOM tababar ugu soo xiray cutubyo si gaar ah loo tababaray oo ka tirsan Ciidanka Haramcad.
Ciidamadan ayaa lagu tababaray hababka looga howlgalo goobaha ay khatartu ka jirto, gaar ahaan meelaha ay Khawaarijtu gabaadka ka dhigtaan, ka jawaabista weerarrada degdegga ah, badbaadinta bulshada xilliyada dagaalka, adeegsiga noocyada kala duwan ee hubka, ka faa’iidaysiga teknoolojiyadda casriga ah iyo xeeladaha lagu sugayo guud ahaan amniga dalka.
Taliye Asad ayaa ciidamada ku bogaadiyey tayada iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii uu tababarku socday. Waxa uu sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey macallimiintii iyo hawlwadeennadii gacanta ku hayey tababarka ciidamada.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay si buuxda ugu diyaar garoobaan sidii ay aqoonta iyo casharradii ay barteen ugu beddeli lahaayeen hawlgal wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo badbaadada shacabka.






