Wararka
Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay maandooriye si qarsoodi ah loogu waday gudaha Xabsiga Dhexe

Muqdisho(SONNA):-Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta gacanta ku dhigay maandooriye loo siday gudaha Xabsiga Dhexe
Maandooriyahaan ayaa lagu qabtay Shabakad ka macaashta ka ganacsiga daroogada, kuwaas oo lagu raad-joogay labadii bilood ee ugu dambeysay.
Lix (6) eedeysane oo dumar ah ayaa la qabtay xilli ay kaniiniyaal daroogo ah ku soo qariyeen Raashiinka loo geeyo maxaabiista maalinta booqashada ehellada maxaabiista, kuwaas ku mideysnaa hal shabakad.
Waaxda Dabagalka Dembiyada ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo kaashanaya Taliyaha Xabsiga Dhexe iyo Saraakiisha Maamusha Xabsiga Dhexe ayaa ku raad joogay shabakadaan isku xiran, kuwaas oo isugu jira qaar kamid ah Maxaabiista, dad kamid ah ehellada maxaabiista iyo kuwa qaab been abuur ehelnimo u sheeganaya, si kala gudbinta daroogada ay fursad ugu helaan.
Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa eedeysanayaasha iyo marag muujintooda ku wareejiyey Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si loo horgeeyo sharciga.
Taliska Asluubta ayaa shaaciyey in lagu raad-joogo Shabakado kale oo la tuhunsanyahay inay ku lug leeyihiin ka macaashka Maan-dooriyaha, sida qarsoon loo geliyo xabsiyada.






