Wararka
Soomaaliya oo walaalaha Aljeeriya ugu tacsiyeysay musiibadii ka dhacday dalkeeda

Muqdisho-(SONNA)-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Aljeeriya, kadib dababkii ka kacay Arbacadii, 26 Agoosto 2026, meelo kala duwan oo dalkaasi ka mid ah, gaar ahaan Gobolka Béjaïa, kuwaas oo la sheegay inay sababeen dhimashada dad fara badan iyo dhaawac halis ah oo soo gaaray muwaaddiniin badan.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS ayaa lagu yiri”Dowladda Soomaaliya waxay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda Aljeeriya, waxayna la qaybsanaysaa murugada qoysaska ay dhibaatadu saameysay.
Waxay sidoo kale Alle uga baryaysaa dadka dhaawaca ah in siiyo caafimaad degdeg ah.
Dowladda Soomaaliya waxay bogaadinaysaa dadaallada ay wadaan mas’uuliyiinta Aljeeriya iyo adeegyada gurmadka degdegga ah ee ku hawlan xakamaynta dababka iyo badbaadinta bulshada ay dhibaatadu saameysay.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa garab istaaggeeda joogtada ah ee ay u hayso Aljeeriya iyo shacabka walaalaha ah ee Aljeeriya xilligan ada


