Gudaha
Soomaaliya oo Jabuuti kaga qeybgalaysa wada tashiyada Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee gobolka

Jabuuti,(SONNA):- Jamhuuriyadda Jabuuti | 15 Sebtembar 2026<br>Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalaan Cabdi Cali, ayaa hoggaamin doona wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeybgalaya Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada IGAD ee aan caadiga ahayn, kaas oo berri ka furmaya magaalada Jabuuti.
Golaha ayaa dib u eegi doona xaaladda nabadda iyo amniga ee gobolka, sidoo kalena ka arrinsan doona arrimaha hay’adeed, oo ay ku jirto xoojinta Heshiiska Aasaasiga ah ee IGAD.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada shaqeyn iyo wadatashi la yeelan doonta dalalka ay gobolka wadaagaan, si loo horumariyo nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga Geeska Afrika.





La wadaag



