Wararka
Soomaaliya oo Horumar ka sameysay hannaanka ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka

Mogadisho.SONNA- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay natiijada booqasho shaqo oo ay Magaalada Muqdisho ku yimaadeen wafdi ka socday Ururka Ganacsiga Adduunka , World Trade Organization (WTO) iyo Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah International Trade Center (ITC).
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu u qornaa sidatan:-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay guulaha laga gaaray booqasho shaqo oo ay si wadajir ah magaalada Muqdisho ugu yimaadeen wafdi ka socday Ururka Ganacsiga Adduunka , World Trade Organization (WTO) iyo Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah International Trade Center (ITC).
Booqashadan oo ahayd tii ugu horreysay ee WTO ay ku timaaddo Soomaaliya, ayaa ahayd guul muhiim u ah dadaallada DFS ay wado ee ku biirista ururka iyo xoojinta ka mid noqoshada nidaamka ganacsiga caalamiga ah.
Booqashadan oo uu hoggaaminayay Xafiiska Madaxa Wadaxaajoodka Ganacsiga ee Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta horumarka hannaanka ku biirista WTO, ka jawaabista su’aalaha dalalka xubnaha ka ah ururka, dib-u-eegista dukumentiyada farsamo iyo diyaarinta soojeedimaha Soomaaliya ee furitaanka suuqyada badeecadaha iyo adeegyada.
Madaxa Wada-xaajoodka Ganacsiga ee Soomaaliya, Mudane Sadiq Haji Ibrahim, ayaa adkeeyey muhiimada ay leedahay sii wadista dadaallada ku biirista WTO, isagoo sheegay, "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an dardargelinta hannaanka ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta hay'adaha qaranka iyo bah-wadaagta caalamiga ah, si loo dhammaystiro shuruudaha harsan, loona xaqiijiyo diyaar-garowga wejiga xiga ee wada-xaajoodyada."
Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mudane Charles King, ayaa dhankiisa xaqiijiyay taageerada dalkiisa ee ku biirista Soomaaliya ee WTO,: “Boqortooyada ingriiska waxay ku faraxsan tahay inay taageerto dadaallada Soomaaliya ee ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka, iyadoo iskaashi la leh Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah (ITC).
Booqashadii ugu horreysay ee khubarada WTO ay ku yimaadaan Muqdisho waxay himiladan u beddelaysaa horumar wax-ku-ool ah,iyadoo ujeeddada ugu dambaysa ay tahay abuurista fursado ganacsi, soo jiidashada maalgashiga iyo shaqo-abuurka muwaadiniinta Soomaaliyeed.”
Wafdiga ayaa sidoo kale ka wada hadlay xiriirka ka dhexeeya ku biirista WTO, xubinnimada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo ka qaybgalka Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).
Waxaa intaas dheer oo la qabtay wada-tashiyo ku saabsan hindisaha Ganacsiga Nabadda Soomaaliya (Trade for Peace Somalia Initiative), oo lagu xoojinayo doorka ganacsiga ee nabad-dhisidda, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee loo dhan yahay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii wadi doonta dhammaystirka shuruudaha ku biirista WTO iyo diyaarinta kulanka labaad ee Kooxda Shaqada ee Ku Biirista Soomaaliya, kaas oo la filayo inuu qabsoomo horraanta 2027.
Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelisay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska taageerada ay ku bixiso mashruuca Making Trade Happen ee ay fuliso ITC, iyadoo sidoo kale bogaadisay iskaashiga iyo taageerada farsamo ee WTO iyo ITC
