Gudaha
Soomaaliya oo Guul Taariikhi ah ka Gaartay Shirweynaha Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka ee ISQua

Mqudisho,(SONNA):- Maareeyaha Hay’adda Qaran ee Caymiska Caafimaadka Bulshada Soomaaliyeed, Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin, ayaa ka qaybgalay Meertada 42-aad ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka ee ISQua, oo lagu qabtay magaalada Dublin ee dalka Ireland.
Dr. Cabdirisaaq Jalaaludiin, ayaa shirweynaha ku soo bandhigay laba dhigaal cilmiyeed oo ku saabsan tayada adeeg-bixinta caafimaadka, isagoo sidoo kale ka qaybqaatay doodaha iyo falanqaynta khubarada caalamiga ah ee diiradda lagu saaray tayada daryeelka caafimaadka, badqabka bukaanka iyo doorka hoggaaminta ee horumarinta nidaamyada caafimaadka.
Dhanka kale, ka qaybgalka shirweynahan ayaa Soomaaliya u horseeday guul muhiim ah, kaddib markii Maareeyaha Hay’adda Qaran ee Caymiska Caafimaadka Bulshada Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin ayaa loo doortay xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Sare ee La-talinta ee Ururka Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka, ISQua.
Dr. Jalaaludiin, ayaa golahan ku matali doona gobolka Bariga Dhexe iyo Afrika muddo shan sano ah, taas oo fursad u abuureysa Soomaaliya inay si toos ah uga qayb qaadato doodaha iyo talooyinka caalamiga ah ee ku saabsan tayada iyo badqabka daryeelka caafimaadka.







