Wararka
Soomaaliya iyo Yugaandha oo ballaarinaya iskaashiga dhaqaale ee labada dal

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane Xamsa Adaan Xaadow, ayaa maanta guddoomiyay kulan hordhac ah oo lala yeeshay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo loogu diyaar garoobayo Kalfadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka Soomaaliya iyo Uganda iyo Madasha Wadajirka ah ee Ganacsiga, kaas oo Muqdisho lagu qaban doono 20ka ilaa 23ka Oktoobar 2026.
Mas’uuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha dowladda ayaa ka qeyb galay kulanka isla maraanka isla qaatay ku doorka hay’adaha, habraacyada isku xirka iyo qodobada heshiisyada la kala saxiixi doono.
Guddiga ayaa diiradda saari doona ballaarinta ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Uganda.



