Wararka
Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoogga saaraya Xiriirkooda
Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo xooga saaraya Xiriirkooda Laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya.

Muqdisho(SONNA)--Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Abdisalam Ali, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.
Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo xooga saaraya Xiriirkooda Laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya.
Wasiirka ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Shiinaha, gaar ahaan dhismaha Xarunta Qurba-joogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo sidoo kale taageerada dhinacyada horumarinta iyo waxbarashada.
Wasiirku waxa uu sheegay sida Soomaaliya uga goโan tahay sii xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.






