Wararka
Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay iskaashiga amniga

LIANYUNGANG-China-(SONNA)-Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Dadweynaha ee Shiinaha, Mudane Lv Wuqin.
Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta xiriirka iyo iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira is-weydaarsiga khibradaha, tababarrada, horumarinta awoodda hay’adaha amniga iyo wadaagista aqoonta ku saabsan ka hortagga dambiyada iyo ilaalinta amniga dadweynaha.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga labada wasaaradood, iyadoo la xoojinayo xiriirka hay’adaha amniga, korna loo qaadayo wada-shaqeynta ku saleysan danaha labada dal.
Wasiir Fartaag ayaa magaalada Lianyungang uga qeybgalaya Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Dadweynaha 2026 (GPSCFL), oo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin iyo khubaro ka kala socota dalal badan.



