Wararka
Soomaaliya iyo Kuwait oo iska kaashanaya la dagaallanka musuq-maasuqa

Kuwait City-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan muhiim la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Dowladda Kuwait, Marwo Rana Al-Fares.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, is-dhaafsiga khibradaha iyo habraacyada la xiriira ka-hortagga iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, dhisidda awoodda hay’adaha iyo kor u qaadidda hufnaanta iyo isla-xisaabtanka dowladda.
Marwo Rana Al-Fares ayaa soo jeedisay in labada Dawladood ay xoojiyaan khibrad-wadaagga iyo is-dhaafsiga aqoonta si looga faa’iidaysto khibradaha iyo habraacyada wax-ku-oolka ah ee la-dagaallanka musuqmaasuqa.
Wasiirka ayaa soo dhaweeyey soo jeedinta, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah, tababarro iyo dhisidda awoodda hay’adaha si loo xoojiyo dadaallada ka-hortagga musuqmaasuqa.



