Wararka
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Waxbarashada

Baku-(SONNA)-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Azerbaijan Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Sayniska iyo Waxbarashada ee Jamhuuriyadda Azerbaijan Mudane Emin Amrullayev.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga waxbarasho ee Soomaaliya iyo Azerbaijan, gaar ahaan ballaarinta fursadaha waxbarasho, taageerada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Azerbaijan iyo sidii loo abuuri lahaa fursado dheeraad ah oo ay ka faa’iideystaan ardayda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, danjire Cabdinuur Fiidoow iyo wasiir Emin Amrullayev ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha waxbarashada ee labada dal, dhiirrigelinta tacliinta sare iyo dhisidda iskaashi waara oo dhinaca waxbarashada iyo tacliinta sare ah.
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Azerbaijan Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa uga mahadceliyey Wasiir Emin Amrullayev iyo Wasaaradda Sayniska iyo Waxbarashada Jamhuuriyadda Azerbaijan soo dhoweynta diirran iyo taageerada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed.
Safiirka ayaa xusay muhiimadda waxbarashadu u leedahay xiriirka sii kobcaya ee Soomaaliya iyo Azerbaijan, isagoo cadeeyay in Safaaradda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso ballaarinta fursadaha waxbarasho ee ay helaan ardayda Soomaaliyeed.



