Gudaha
Soomaaliya iyo Algeria oo iska kaashanaya xoojinta xiriirka ganacsi iyo iskaashiga dhaqaale

Muqdisho,(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Algeria, Mudane Yuusuf Axmed Xasan, ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Ganacsiga Dibadda iyo Dhiirrigelinta Dhoofinta Algeria, Prof. Kamaal Ruzeeq, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kordhinta suuq-geynta badeecadaha Algeria ee Soomaaliya, sahminta fursadaha dhoofinta badeecadaha Algeria iyo sidii loo dabooli lahaa baahida suuqa Soomaaliya.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sameynta Golaha Ganacsiga Soomaaliya iyo Algeria, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka ganacsatada, dhiirrigelinayo hindisayaasha wadajirka ah, isla markaana fududeynaya iskaashiga ganacsi ee labada dal.



