Wararka
Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 oo goordhow ka furmaya Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum 2026), kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.
Shirweynahan ayaa isu keenaya mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, xirfadlayaal iyo madaxda warbaahinta, bulshada rayidka ah, bah-wadaagta horumarinta, diblomaasiyiin iyo daneeyayaal kale oo heer qaran iyo caalami ah. Shirweynaha waxaa daahfuri doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Madashan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta warfaafinta dalka, jihada mustaqbalka warbaahinta Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka dowladda iyo dadweynaha, fursadaha tiknoolajiyadda, adeegsiga garaadka macmalka ah (AI) iyo baraha bulshada, iyo caqabadaha la xiriira wararka been-abuurka ah.
Madashu waxay sidoo kale fursad u noqonaysaa in la is dhaafsado aragtiyo, khibrado iyo xalal ku aaddan caqabadaha iyo fursadaha horyaalla warbaahinta Soomaaliya, iyadoo la eegayo doorka ay warbaahintu ku leedahay horumarinta bulshada, dowladnimada, wacyigelinta iyo dhismaha xiriir wax-ku-ool ah oo u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo shacabka.
Shirweynahan oo sanadkii labaad la qabanayo ayaa halku-dhiggiisu yahay “Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya ee Xilligan Casriga ah” (Shaping Somalia’s Media Future in the Digital Era), waxaana uu socon doonaa muddo laba maalmood ah.



