Gudaha
Safiirka JFS ee Dalka Azerbaijan oo ka qeyb galay munaasabadda 15-sanno guurada hay'adda AIDA

Muqdisho,(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Azerbaijan, Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow, ayaa magaalada Baku kaga qeybgalay munaasabadda 15-sanno-guurada Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Azerbaijan (AIDA), isagoo qeyb ka ahaa dood-wadaag ku saabsan iskaashiga horumarineed iyo gargaarka bani’aadannimo.
Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow, ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Azerbaijan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, tiknoolajiyadda, beeraha iyo dhisidda awoodda hay’adaha, isagoo sidoo kale xusay horumarka Soomaaliya ka sameyneyso dib-u-dhiska hay’adaha iyo kobcinta dhaqaalaha.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Azerbaijan, Mudane Jeyhun Bayramov, ayaa ugu dambeyn shahaado sharaf guddoonsiiyay arday Soomaaliyeed oo ka mid ah ardayda Barnaamijka Deeqda Waxbarasho ee Heydar Aliyev ku jooga dalkaas, ka dib horumar muuqda iyo guulo la taaban karo oo ay oa gaareen.













