Wararka
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo rasmi ah u furi doona Shirweynaha 3-aad ee Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta

Muqdisho(SONNA);-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furi doona Shirweynaha 3-aad ee Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta, oo 16–17 Noofambar 2026 ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Shirweynaha ayaa diiradda lagu saari doonaa sida xogta iyo natiijooyinka qiimeynta loogu adeegsan karo la socodka hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029, hagaajinta barnaamijyada dowladda iyo xoojinta isla-xisaabtanka.
La wadaag



