calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo shir kaga qeyb galay dalka Angola

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo shir kaga qeyb galay dalka Angola
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo shir kaga qeyb galay dalka Angola — SONNA

Luanda,(SONNA):- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga 21aad ee gaarka ah ee Madaxda Dalalka iyo Dawladaha ee Golaha Midowga Afrika, kaas oo madaxda qaaradda Afrika u ga doodayaan xoojinta ka-hortagga iyo xallinta khilaafaadka.

Kalfadhigan ayaa madaxda Afrika ka ga arrinsanayaan sidii qaaraddu tallaabo wadajir ah u gu wajihi lahayd khilaafaadka, u hirgelin lahayd maalgelin joogto ah oo la gu taageero nabadda iyo amniga, u na xoojin lahayd wada-shaqeynta hay’adaha qaaradda iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay doodaha socda ku biirinayso waayo-aragnimadeeda ku aaddan garab-istaagga Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in guulaha la ga gaaro sugidda amniga la gu xoojiyo hindisataasha qaran ee nabad iyo xasillooni waarta.

La wadaag