Gudaha
Ra'iisul wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Liibiya

Muqdisho,(SONNA):- Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Wasaaradda Warshadaha iyo Macdanta Dowladda Liibiya Mudane Mustafa Cali Al-Samu iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo dalka u yimid iskaashiga dhanka warshadaha iyo wax-soo-saarka labada dal.
Ra'iisul wasaaraha iyo Danjire Mustafa ayaa ka wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhaqaale, kobcinta wax-soo-saarka gudaha, is-waydaarsiga khibradaha iyo sidii labada dal uga wada faa’iideysan lahaayeen awoodaha iyo fahamka ka jira dhinacyada Warshadaha iyo Maalgashiga,
Ra'iisal wasaare Xamsa ayaa uga warbixiyay wafdiga muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Liibiya, gaar ahaan horumarinta Warshadaha dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista fursado dhaqaale oo wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo koboca dhaqaalaha iyo horumarka.








