Wararka
Ra'iisal wasaare ku xigeenka dalka oo furay madasha isku xirka ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha
Shiinaha ayaa dhowaan canshuur dhaaf u sameeyey badeecadaha Soomaaliya ka imaanaya

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho Madasha Isku-xirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha (Somalia–China Business Networking Forum) shirkaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya.
Madasha ayaa waxaa ka soo qayb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Safiirrada Soomaaliya iyo Shiinaha, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga Afrika iyo Shiinaha, iyo ganacsato iyo maalgashadeyaal ka kala socda Soomaaliya iyo Shiinaha.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa ku dhiirrageliyey shirkadaha iyo maalgashadeyaasha Shiinaha in ay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha, wax-soosaarka, kalluumaysiga, beeraha, tamarta, gaadiidka iyo saadka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in iskaashiga ganacsi uu horseedo shaqo-abuur iyo kor u qaadista waxsoosaarka gudaha.













