Wararka
Ra'iisal wasaare Xamse oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Qatar
Qatar iyo Soomaaliya ayaa leh calaaqaad xooggan oo dhinacyo badan taabanaya

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa daarran xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, horumarinta arrimaha bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa inta uu ku sugan-yahay dalka Qatar waxa uu kullamo la qaadan doona madaxda ugu sarreysa dowladda Qatar, iyada oo booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee ay la leedahay dunida.





