Wararka
Ra'iisal wasaare Xamse oo ka ka qeyb-galay xiritaanka Shirwaynaha Dalladda Culimada Haweenka Soomaaliyeed
Ra'iisal wasaaraha ayaa bogaadiyey doorka haweenka ee horumarinta dalka

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay xiritaanka Shirwaynaha Dalladda Culimada Haweenka Soomaaliyeed oo qabsoomay sannadkii 2aad, kaasi oo looga hadlay dhisidda iyo wacyigalinta bulshada Soomaaliyeed, si loo xoojiyo awoodda iyo wax-qabadka ummadda.
Ra’iisul Wasaaraha, oo bogaadiyey dalladda Haweenka Culimada ah, ayaa xusey doorka ay ka qaadanayaan wacyigalinta bulshada, dhisidda awoodda iyo wax-qabadka ummadda, waxa uuna sheegay in haweenku ay yihiin laf-dhabarta dadkeenna ayna kaalin xoog leg ka qaataan dib-u-dhiska bulshada, waxbarashada iyo tarbiyadda carruurteenna.
Ra’iisul Wasaraaha ayaa sheegay in markii uu dalkeennu burburay uu innaga saameeyay dhaqankii, diintii, isla markaana dadka Soomaaliyeed ka dhigeen kuwo u nugul dhibaatooyin badan iyo duruufaha qalafsan, taasi oo sababtay in dalkeenna ay soo gaaraan fikrado iyo aragtiyo ku salaysan Khawaarijnimo iyo in dadka dhiigooda la banneysto.
“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay dalkeenna usoo adeegeen waqtiyo adag oo dalku soo maray, waxa ay doorar muuqda ku lahaayeen dhismaha dowladnimada aynu maanta haysano, waxa ayna soo saareen hoggaamiyayaal door muuqda ka qaatay dowladnimada Soomaaliyeed. Waan boggaadinaya hooyooyinka Soomaaliyeed ee duruufaha adag ee ay usoo dhabar-adeygeen”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa Haweenka Culimada ah kula dardaarmay in ay qeyb-weyn ka qaataan dhismaha dowladnimada, hagaajinta dhaqanka, caqiidada bulshada, waxa uuna ballan-qaaday in Xukuumadda DanQaran ay door muuqda ka qaadan doonaan dhismaha Haween culimo ah oo hoggaamiyeyaal ah.














